Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa maanta goob fagaaraha ah oo ku taalla degmada Maxaas ku siiyay lacag dhan $10.000 Askar ka tirsan guutada 5-aad qeybta 27-aad oo shalay howlgal qorsheeysan oo ay ka fuliyeen degmada Moqokori ku dilay 2-xubnood oo kamid ah. Alshabaab.

2-Askari Oo fuliyay howlgalkaasi ayuu gacanta ka saaray midkiiba $5.000 lacagtaasi Oo aheyd ballan qaad uu horay u soo jeediyay guddoomiye Jeyte ciidanka dowladda iyo kuwa dib-u-xoreynta deegaanka.

Munaasabadda lacag wareejinta Oo ka dhacday fagaare kutaala Degmada Maxaas Waxaa sidoo kale Ku sugnaa Xildhibaanno baarlamaanka fedaraalka ka tirsan xildhibaanno baarlamaanka Hirshabelle kamid ah Saraakiil ciidaan maamulka degmada Maxaas iyo Boqolaal dadweyne.

Share.

Leave A Reply