Shir jaraa’id oo ay si wada jir ah u qabteen Wasiirrada Maaliyadda, Amniga iyo Wasiir ku xigeenka Wasaarrada Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa lagu soo bandhigay qorshe cusub Oo dowladdu ay ku dooneyso inay kula dagaalanto dhaqaalaha alshabaab

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sameysay hab gaar ah oo shacabka Soomaaliyeed ugu soo gudbin karaan dadka aruuriya lacagaha al-shabaab ay ka qaadaan Ganacsatada.

Wasiir ku xigeenka Wasaarrada Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-caddaala ayaa sheegay in Dowladdu sameysay lambaro gaar ah oo ay gacanta ku hayaan shaqaale loo tabbabaray.

Isaga Oo warfidiyeenada U aqrinayay Qorshaha cusub Ee dowladda ka soo baxay kuna dooneyso inay kula dagaalanto dadka lacagaha u aruuriya Alshabaab ayuu yiri Wasiir Al-Cadaala,

“Markii ay aragtay dowladda waajibka ka saaran ilaalinta hantida sharafka iyo ammaanka muwaadiniinta Soomaaliyeed, iyada oo dardar gelineysa dagaalka lagu ciribtirayo Al-Shabaab & kooxaha kale ee Argagaxisada ah, waxay Maanta ku dhawaaqeysaa hab lagula dagaalamayo lacagaha ay ka qaadaan dadka Soomaaliyeed.

1-In dadka Soomaaliyeed ay ka qeyb qaataan sidii dowladdu u heli laheyd dadka Al-Shabaab u qaabilsan qaadida lacagaha baada ah oo ay ka qaadaan Ganacsatada Soomaaliyeed, isla markaana ay dowladda kala soo xiriiraan tel: 0610404036 ama 0610404037.

2-Tallaabadan waxaa ay qeyb ka tahay dagaalka Maaliyadeed ee ka dhan ah Al-Shabaab oo ay dowladda kula jirto, isla markaana xogta ay shacabka dowladda la wadaagaan ay muhiim u tahay in la wiiqo awooda Al-Shabaab lana yareeyo dilalka qorsheysan qaraxyada.

3-In dowladda Soomaaliya ay cadeeyneyso in tallaaba kasta oo uu qaado muwaadin Soomaaliyeed ee xog ka haayo Al-Shabaab aaladaha ay u isticmaalaan qaadista lacagaha inay u aqoonsan yihiin muwaadin ka qeyb qaatay badbaadinta nafta dadka Soomaaliyeed.

Dowladda Federaalka ah ee Somaaliya markii ay aragtay in lacagaha baada ah ay Al-Shabaab ka qaadayaan Ganacsatada Soomaaliyeed oo ay u adeegsanayeen qaraxyada ay ku beegsadaan Goobaha dadweynaha, dilalka qorsheysan & weerarada tooska ah oo ay ku hayaan Bulshada Soomaaliyeed.

“Dowladda Faderaalka waxay shacabka iyo Ganacsatada ugu baaqeysaa in ay la soo xiriiraan lambarada ay dowladdu ugu talogashay la dagaalanka lacagaha baada ah ee Argagixisada ay ka qaadaan Shacabka”.ayuu yiri Wasiir cadaala.

Share.

Leave A Reply