Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo gudanaya waajibaadkiisa shaqo iyo Mas’uuliyadda ka saaran Shacabka Qeybahooda kala gedisan ee ku dhaqan Caasimadda, ayaa waxa uu xog-wareysi la yeeshay qeybo ka mid ah dadka baahiyaha gaarka qaba oo ku sugnaa wadooyinka Laamiga ah ee Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha oo socdaal ku maraayay mid ka mid ah wadooyinka aadka u mashquulka badan ee Caasimada Muqdisho ayaa waxa uu u dagtay dadkaan baahiyaha gaarka qaba oo wadadaasi ku sugnaa, Waxa uuna mid mid u xog-wareystay shacabkaasi, asigoo ka dhageystay duruufaha ku gadaaman, isla markaana u balan qaaday in uu gacan ka geysan doonno wax ka qabashada culeesyada heysta dadka baahiyaha gaarka qaba.

Sidoo kale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa marka uu soo gaaray Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar waxa uu halkaasi ku qaabilay howlwadeen muddo ka tirsanaa Shaqaalaha Dowladda Hoose ee Xamar oo xaalad Caafimaad soo wajahday, Asigoona la qeybsaday dareenkiisa ku aadan sida ay ugu go’an tahay in uu wax la qabto qof weliba oo bini-aadan ah, inta ay karaankiisa gaarsiisan tahay.

“Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xil gaar ah iska saaray u gurmashada dadka Abaaraha ay soo saameeyeen kuwooda soo gaaray Magaalada Muqdisho, u damqashada dadka dhibaateysan iyo sidii wax loogu qaban lahaa dadka baahiyaha gaarka qaba ee ku dhaqan Caasimadda Muqdisho” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay maamulka Gobolka banaadir.

Share.

Leave A Reply