FaahFaahin Qaraxyo ka kala dhacay Buuloburde iyo Jalalaqsi.
Qarax Jugtiisa inta badan laga Maqlay Degmada Buuloburde iyo deegaanada ku xeeran ayaa la sheegayaa inuu burburiyay buundadii Degmadaasi.

Buundadan Oo muhiimad gaar ah u laheyd isu socodka gaadiidka isaga kala goosha magaalada ayaa haatan waxa ay wajaheysaa burbur xooggan kadib qaraxa maanta ka dhacay.

Sawiro laga soo qaaday buundada ayaa lagu arkayaa buundada oo dhexda ka kala go’san

Dhanka kale Weerar qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay magaalada Jalalaqsi ayaa waxaa ku dhintay Gudoomiyihii degmada iyo dad kale.

Kooxda Alshabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyadda Weeraradaan qaraxyada ah iyadoona qeybo badan Oo kamid ah gobolka uu kaga Socdo guluf dagaaleed Kaas Oo ay wadaan Dadka Deegaan iyo Ciidamada dowladda.

Share.

Leave A Reply