Sida ay baahisay Warbaahinta dowladda Soomaaliya Ciidamo ka tirsan Millateriga Somaliya ayaa Howlgalo qorsheysan ka Sameeyay Deegaanka Buulo Kuuno iyo Deegaano kale Oo dhaca dhulbeereedka dhinaca Waqooyi kaga begaan degmada Balcad Ee Gobolka Sh.Dhexe.

Dowladda Soomaaliya ayaa Sheegtay in Howlgalkaasi ay ku dileen Afar ka tirsan DagaalYahanada Alshabaab.

Halka Sidoo kalena ay gacanta ku soo dhigeen hal dagaal Yahan hub iyo gaari uu watay.

Dowladda Soomaaliya ayaa tilmaamtay in howlgalkaan uu yimid kadib markii Ciidamadda Soomaaliya ay heleen xog la xariirta in tuulooyinkaas ay Ku sugan yihiin Xubno ka tirsan AS.

Share.

Leave A Reply