Wasiirka Maaliyadda Dowladda Soomaaliya ayaa ka qeyb galay Shirka (IMF Afrika Group 1)

Kaas Oo ah shir ay ka soo qeyb galaan Wasiirada Maaliyadda iyo Gudoonka Bangiyada Dowliga ah ee dalalka afrika,
Iyo madaxweyne ku-xigeenka hey’adda maalgalinta Bangiga Adduunka (IFC)

Shirkaan ayaa inta badn diiradda lagu saaraa Horumarinta dhaqaalaha Mustaqbalka Afrika iyo ka gudbidda caqabadaha maaliyadeed, oo Soomaaliya ay qayb ka tahay.

Sidoo Kale Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Dr. Elmi M. Nur ayaa kulan gaar ah la qaatay madaxweyne ku-xigeenka hey’adda maalgalinta Bangiga Adduunka (IFC) Mr. #Sérgio_Pimenta,

Waxeyna Labada Mas’uul kawada Hadleen Sidii loo maalgalin lahaa Ganacsiga gaarka loo leeyahay ee Soomaaliya,

Maadaama Dowladda Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siisay, kana go’an tahay Horumarinta iyo maalgalinta Ganacsiga bulshada Soomaaliyeed.

Share.

Leave A Reply