Sh. Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) Oo ay weheliyaan xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka BJFS, kuna Sugan dalka Netherland ayaa xalay kulan la qaatay Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi.

Kullankaan Waxaa Hormuud ka ahaa Amb. Yuunis Yaasiin Xaashi Oo ah Safiirka Soomaaliya Benelux iyo Midowga Yurub.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Netherland iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo wafdigiisa ayaa ka Wada hadlay arimo dhowr ah iyaga Oo isxaal wareestay..

Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa ka dhageystay Jaaliyadda Soomalida Ee Netherlands Xaaladda ay ku Sugan Yihiin

Sidoo Kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS, ayaa dhankiisa lawadaagay Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool magalada The Hague Ee Dalka Netherlands Xaalada guud ee dalka isla markaana u sheegay in dalka uu ka socdo kacdoon dadweyne Oo ka dhan ah Alshabaab.

Share.

Leave A Reply