Madaxweyne ku Xigeenka koowaad Ee Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan Iyo Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo iskaashiga Caalamiga Ee Dowlad Gobolleedka Jubbaland Mudane Cabdiraxman Cabdi Axmed ayaa maanta magaalada Nairobi kullan kula qaatay Safiirka Dalka Sweden u qaabilsan Somaaliya Mr. Per Lindgarde.

Maxamuud Sayid Aadan Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland Iyo Wasiirkiisa Wasaaradda Qorshaynta iyo iskaashiga Caalamiga Ee ayaa waxay safiirka kala hadleen qoddobo ay kamid yihiin:

Arrimaha Amniga iyo la dagaalanka Alshabab
Arimaha abaaraha iyo xal u helidda soo Noqnoqoshada Musiibooyinka dabiiciga ah.

Sidoo kale Madaxweyne ku Xigeenka Jubbaland ayaa kala Hadlay Safiirka Sweden Ee Soomaaliya Wax ka qabashada dabkii ka kacay suuqa Shidaalka Kismaayo Kaas Oo khasaaraha badan geystay Iyo Qorshaha ilaalinta badqabka deegaanka.

Safiirka Dowladda Sweden Ee Soomaaliya Mr. Per Lindgarde ayaa dhankiisa u ballan qaaday inuu kala Shaqeyn doonno Dowlad Gobolleedka Jubbaland Arimaha ay kawada hadleen Isagoona ku bogaadiyay dib u soo kabashada Soomaaliya guud ahaan iyo gaar ahaan adkaynta iyo dhisidda Hay’addaha Jubbaland,

Share.

Leave A Reply