Xafiiska Qaramada Midoobay ee Liibiya ayaa sheegay in Maalinnimadii Jimcada aheyd laga helay Magaalo Xeebeedka Sabratha Doon ay saarnaayeen dad Tahriibayaal ah Oo lagu gubay halkaasi,

Shan iyo Toban Ruux Tahriibayaal ah ayaa ku nafwaayay doonta waxaana la xaqiijinayaa in gubashada Doontu ay sababtay kadib markii laba Koox Oo Magafayaal ah ay halkaasi ku dagaalameen,Iyadoona Mid kamid ah Kooxahaasi ay toogatay doonta ay saarnaayeen tahriibayaasha Sidaana ay ku gubtay doontu.

Waxaana la xaqiijinayaa in dhammaan dadka ku dhintay doontu ay ahaayeen Dad Afrikaan ah Oo ka yimid Koonfurta qaaradda.

Xafiiska Qaramada Midoobay Ee Liibiya ayaa ugu baaqay Mas’uuliyiinta Dalka Liibiya in baaritaan wax ku ool ah lagu sameeyo dilka 15 muhaajiriin ah Ee ku gubtay Doonta,

Sanadkaan Gudihiisa Waxaa ku dhintay Liibiya Ugu yaraan 216 qof Kuwaas oo doonayay inay ka gudbaan badda Mediterranea-ka, halka 724 kale la la’ yahay, ayna u badan tahay inay geeriyoodeen

Share.

Leave A Reply