Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) Oo Safar Shaqo ku joogo dalka Netherland ayaa kulan kula qaatay Madaxweynaha Maxkamadda Dembiyada Adduunka ICC. Mudane Piotr Hofmański.Gudaha Maxkamada Dambiyada Aduunk.

Madaxweynaha Maxkamadda ICC. ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka ku soo dhaweeyey xarunta Maxkamadda Dembiyada Adduunka isagoona warbixin ka siiyey sida ay u shaqeyso iyo qeybaha kala gedisan ee ay ka kooban tahay Maxkamadda.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa dhankiisa kaga mahad celiyay Mudane Piotr Hofmański oo ah Madaxweynaha Maxkamadda ICC, Soo dhaweyntiisa.

Wuxuuna sheegay in maxkamadan ay tahay Mid aqoon iyo khibrad ka kororsan karaan garsoorayaasha iyo qareennadda Soomaaliyeed.

Share.

Leave A Reply