Waxaa Caawa garoonka diyaaraddaha ee Adan Cadde ka soo degtay diyaarad ka timid dalka Kuwait Oo ay saarneyd gabar Soomaaliyeed Oo ku xurneyd dalkaasi.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaana kula wareegay Fatima Abdullahi Samatar oo ku xirnayd dalka Kuwait laga soo bilaabo July 2018,

Fatima waxaa lagu helay eedaymo ay ku eedayeen Dacwa oogista dalka Kuwait,

Iyadooba Maxkamadda dalkaasi ay ku xukuntay 15 sano Oo xarig ah,

Balse ugu dambayn Amiirka dalka Kuwait ayaa la sheegayaa inuu ka cafiyay kala bar.15kaasi Sano.

Dadaal dheer iyo xiriiro uu Xafiiska Xeer ilaaliyaha iyo hay”adaha kale ay khusayso la sameeyeen dalka Kuwait waxaa suurta gashay in Caawa dalka dib loogu soo celiyo dalkeeda hooyo, si ay wadanka ugu qaadato inta u dhiman xarigeeda.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo uu matalayay Ku-xigeenka Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Mudane Yaxye Maxamuud Siciid ayaa muwaadinaddan kula wareegay garoonka diyaaraddaha ee Adan Cadde,

Waxaana uu ugudbiyay Xarunta Denbi Baarista Dalka ee CID si arrinkeeda sharciga loo waafajiyo.

Share.

Leave A Reply