Waxaa maanta Magaalada Gorawe Ee Caasimadda Dowladda Gobolleedka Puntland Gaaray Wafuud ka socota Qaramada Midoobey.

Wafdigaan Waxaa hogaamineysay madaxda Hay’adda UNHCR Ee Puntland mss Monica Taas Oo Hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan Arrimaha Qaxootiga,

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wafdiga,

Wasiirka iyo madaxda Hay’adda UNHCR ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee qaxootiyada, barakacayaasha iyo qulqulka Muhaajiriinta soo gala gudaha Deegaanada Puntland.

Sidoo kale, waxaa looga wada hadlay kulankaan mashaariicda kala duwan ee ay hay’adda UNHCR ka waddo Puntland,

Ugu dambeyn kullanka ayaa ku soo dhammaaday Jawi Wanaaagsan iyo is afgarad.

Share.

Leave A Reply