Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta magaalada The Hague ee dalka Boqortooyadda Netherlands kulan kula qaatay Marwo Vera Bergkamp, Oo ah Guddoomiyaha Baarlamaanka dalkaasi.

Kulanka labada mas’uul ayaa looga hadlay adkeynta xiriirka labada baarlamaan,

Sidoo kale Labada Guddoomiye ayaa is-dhaafsaday aqoonta la xirirta xildhibaannadda iyo howlwadeennada.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS, Mudane Sheekh Aadan Madoobe ayaa baarlamaanka dalkaas iyo mas’uuliyiintooda uga mahadceliyey soo dhoweynta diiran ee loogu sameeyey Dalkaasi.








				
		
		
		
	
Share.

Leave A Reply