Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xalay ka qeyb galay munaasabad loogu mahadcelinaayay Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed doorkii ay ka geesteen qabashada doorasha labada aqal ee Baarlamaanka JFS ee lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Filish ayaa si guud ugu mahadceliyay cid kaste oo gacan ka geestay in si xasiloon ay kusoo dhamaato qabashada doorashada Xildhibaanada labada aqal ee lagu soo gaba-gabeeyay Muqdisho

Share.

Leave A Reply