Taliska dhexe ee Mareykanka ayaa ku dhawaaqay ka hor waaberigii subaxnimadda isniinta saaka ah in Xuuthiyiinta ay gantaalaha lidka maraakiibta la beegsadeen markabka USS xilli uu marayay badda cas, taasoo u muuqatay mid jawaab u ah duullaanka ay Washington iyo London ku qaadeen Yaman.

Taliska dhexe ayaa ku sheegay fariin ay ku qoreen Appka “X” EX tuwiter in ciidamadda maraykank lagu soo riday gantaalka nooca loo yaqaan Cruise-ga oo laga soo tuuray aagga ay Xuuthiyiinta ka taliyaa ayaa intaas ku dartay warbixintu in weerarka Xuutiyiinta ee koonfurta Badda Cas uusan ka dhalan khasaare iyo dhaawac.

Weriyaha Aljazeera ee Washington, Abdel Fattah Fayed, ayaa ku tilmaamay beegsiga markabka dagaalka ee Mareykanka Talaabo amakaag leh , sababtoo ah waxay ka dhigan tahay in colaadda ay ku sii fideyso Badda Cas, Badda Carabta, iyo Bab al-Mandab.

Fayed waxa uu sheegay in waxa dhacay ay muujinayaan in Xuutiyiintu ay fulinayaan hanjabaadooda ah in ay beegsanayaan “ciidamada cadawga” ee ku sugan berriga iyo badda, taas oo ah waxa lagu sheegay bayaanka kooxda kadib duqeyntii Maraykanka iyo Ingiriisku ka fuliyeen deegaano badan oo ka tirsan Yemen.

Werarradan ayaa bud dhig u ah inay ka jawaabayaan beegsiga Xuuthiyiinta ee maraakiibta ganacsiga ee ku sugan Badda Cas iyo Bab al-Mandab, in Jimcihii la soo dhaafay, Mareykanka iyo Britain ay weerarro ku qaaden tobaneeyo bartilmaameed oo Yemen ah, iyada oo laga duulayo isbahaysiga cusub ee lagu dhawaaqay dhawaan.

Maalintii xigtay, ciidamada Mareykanka ayaa duqaymo hal dhinac ah ka fuliyay goobo ku yaalla Sanca iyo Xudeydah, Xuuthiyiinta ayaa wacad ku maray inay jawaab adag ka bixin doonaan duqeymahaas, taas oo keentay in ay weeraraan maraakiibta Mareykanka, badda cas ayaa maalmihii dambe isku bedeshay goob dagaal laga fisho goor kasta.

Share.

Leave A Reply