Maraykanka iyo Shiinaha ayaa ku heshiiyey inay yeeshaan wadahadalo ganacsi oo cusub sanadka soo socda, inkastoo ay jiraan xiisado u dhexeeya labada dal, sida ay ku dhawaaqday Jimcihii wasaaradda ganacsiga ee Maraykanka.

Ku dhawaaqistan ayaa timid ka dib markii madaxweyne Joe Biden uu Arbacadii la kulmay dhiggiisa Shiinaha, Xi Jinping, intii uu  socday shir-madaxeedka iskaashiga dhaqaalaha Aasiya iyo Baasifigga (APEC) ee  ka dhacay maqaalada San Francisco.

Xoghayaha ganacsiga ee Maraykanka Gina Raimondo ayaa wadahadal doceedyo  la yeelatay dhiggeeda Wang Wentao Khamiistii.

Waaxda Mareykanka ayaa bayaan ay soo saartay ku tiri, “Intii uu socday kulanka, labada mas’uul waxay dib u eegis ku sameeyeen horumarka ay kooxda shaqada ka sameeyeen arrimaha ganacsiga, waxayna ku heshiiyeen inay mar kale fool ka fool u kulmaan horraanta 2024-ka.”

Labada dhinac ayaa sidoo kale loo qorsheeyay in bisha Janaayo ay yeeshaan wadahadalo farsamo oo ku saabsan ilaalinta sirta ganacsiga.

Labada wadan ee aduunka ugu dhaqaalaha badan waxa ka dhaxeeya ganacsi aad u adag iyo tartan juquraafiyeed.

Mareykanka wuxuu raadiyaa inuu ka hortago Shiinaha inuu helo tignoolajiyada horumarsan, isagoo ku marmarsimoonaya  ilaalinta amniga qarankiisa, taas oo uusan raalli ka ahayn Shiinahu, oo u arka  tan inay waxyeelleyso danahiisa sharciga ah.

Raimondo ayaa  booqday Beijing bishii Agoosto ee la soo dhaafay, si dib loogu bilaabo wadahadalada  Shiinaha.

Share.

Leave A Reply