Barakaca Falastiiniyiinta ee Marinka Gaza waxay halis gelin doontaa nabadda, amniga iyo xasilloonida gobolka iyo caalamkaba”,sidaasi waxaa yiri  afhayeen u hadlay wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar.

Afhayeenka ayaa intaa ku daray in siyaasadda Israa’iil ee xannibaadda gelitaanka gargaarka Gaza ay macnaheedu yahay in Falastiiniyiinta la doonayo in ay ka baxaan Gaza.

“Nasiib darrose, xadgudubyada waaweyn ee Israa’iil ee dambiyada dagaalka Israa’iil looguma yeero qaar magacyadooda dhabta ah,” Sameh Shoukry ayaa yiri intii lagu jiray kulan uu la yeeshay wasiirka arrimaha dibadda Shiinaha ee Beijing.

“siyaasadda Israa’iil ee carqaladaynta gelitaanka gargaarka waa siyaasad nidaamsan oo loogu talagalay in lagu riixo Falastiiniyiinta in ay ka baxaan Marinka Gza” ayuu intaa taaciyay Afhayeenku.

Masar ayaa ku howlan dadaallo la doonayo in gargaar lagu gaarsiiyo  marinka Gaza iyada oo la sii marayo marinka Rafah.

Duqeymanka Israa’iil ayaa weli ka sicda Gaza,iyadoo tirade dhimashada Falastiin ay gaartay in ka badan 13,000 .

Share.

Leave A Reply