Toogashadan waxay ka dhacay meel ku dhow xarun jaamacadeed oo ku taal magaalada Vermont ee dalka Mareykanka, sida u sheegay telefishinka CNN.

Saddexda qof ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Hisham Awartani, Kinnan Abdel Hamid iyo Tahseen Ahmed. Waxay wax ka baranayeen saddex jaamacadood oo kala duwan oo ku yaal Maraykanka.

Taliyaha booliiska Burlington Jon Mura ayaa sheegay in laba ka mid ah dhibanayaasha ay xaaladdoodu wanaagsan tahay; Midka saddexaadna waxaa soo gaaray dhaawacyo aad daran.

Share.

Leave A Reply