Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay qorsheyneyso inay hal dalab oo kama dambeys ah ka gudbinayso xiddiga Paris Saint-Germain Kylian Mbappe bilowga sanadka 2024-ka.

Laacibka reer France oo loo arko mid ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican kubbada cagta aduunka ayaa si xoogan loola xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Santiago Bernabeu dhawrkii sano ee la soo dhaafay, laakiin u wareegistiisa ayaa ugu danbayn uu ku guul daraystay inuu midho dhaliyo sababo jira dartood.

PSG ayaa diiday inay fasaxdo  Mbappe xagaagii 2021 inkastoo lagu eedeeyay inay laba dalab ka heshay Real Madrid, oo ay ku jiraan €200m (£171.2m) oo ay ku dalbadeen maalintii ugu dambaysay suuqa kala iibsiga.

Los Blancos ayaa soo cusbooneysiisay xiisihii ay u qabtay Mbappe sanadkii xigay, 24-sano jirkaan ayaa u muuqday mid qarka u saaran inuu beeca xorta ah ugu biiro kooxda reer Spain marka uu dhamaado qandaraaskiisa PSG, ka dibna uu sameeyay isbedel weyn oo uu saxiix cusub ugu sameeyay kooxda heysata Ligue 1 ilaa June 2024.

Mbappe, oo qandaraaskiisa cusub uu dhacayo dhamaadka xilli ciyaareedkaan, ayaa horaantii sanadkan ku wargaliyay PSG inuusan dooneynin inuu ku kordhiyo hal sano oo dheeri ah, taasoo ka dhigeysa Parisiens inay halis ugu jiraan inay bilaash ku waayi karaan weeraryahankooda xagaaga soo aadan.

Ku guuleystaha Koobka Adduunka 2018 ayaa markii dambe laga saaray tababarka kooxda koowaad waxaana laga saaray kooxdooda dalxiiska xilli ciyaareedka cusub, halka dalab rikoorka adduunka ah oo dhan € 300m (£ 256.8m) oo ka yimid kooxda Saudi Arabia Al-Hilal lagu eedeeyay inay aqbashay PSG. laakiin Mbappe ayaa diiday u dhaqaaqista Bariga Dhexe.

Mbappe ayaa ugu dambeyntii dib loogu soo celiyay kooxda PSG ka dib dhowr wareeg oo wadahadal ah, waxaana tan iyo markaas uu dhaliyay 17 gool kulamadii ugu badnaa ee tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan, laakiin hubanti la’aanta mustaqbalkiisa fog ee Parc des Princes ayaa weli ku sii socda 2024.

Nambarka 7-aad ee PSG ayaa awood u leh inuu heshiis hordhac ah la galo kooxaha  ajnabiga  ah laga bilaabo Janaayo, sida laga soo xigtay Relevo, Real Madrid ayaa isku diyaarineysa inay dalabkooda ugu dambeeya u bandhigto weeraryahanka “qeybta koowaad ee 2024” si ay isku daydo inay soo jiidato. isaga oo si xor ah ugu biiraya caasimada Spain xagaaga soo aadan.

Warbixintu waxa ay intaa ku dartay in Real Madrid ay “cashar ka baratay” wada xaajoodkii hore ee Mbappe iyo PSG, mana daali  doonaan sheeko kale oo suuqa kala iibsiga ah inta u dhaxaysa January iyo July ee sanadka soo socda.

Real Madrid ayaa la sheegay inay awood u leedahay inay soo xerogeliso Mbappe iyo weeraryahanka Manchester City Erling Haaland sanadka 2024, laakiin waa la arki doonaa haddii ay heli doonaan dhaqaale ay kaga baxaan labada lacag ee waaweyn isla suuqa kala iibsiga.

Share.

Leave A Reply