Juventus ayaa lagu soo waramayaa inay haatan hogaamineyso tartanka loogu jiro saxiixa weeraryahanka Manchester United Jadon Sancho.

Xiddiga heerka caalami ee dalka England ayaa qarka u saaran inuu ka tago Old Trafford inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga bisha Janaayo, sababa la xiriira isku dhacii isaga iyo madaxa Red Devils Erik ten Hag, taasoo ka dhalatay weeraryahankii laga saaray kulankii Arsenal bilowgii September.

Ten Hag ayaa sheegay in Sancho aan loo soo xulin kulanka Emirates Stadium sabab la xiriirta qaab ciyaareedka liita ee tababarka, laakiin weeraryahanka ayaa ku adkeystay in taasi aysan dhicin, isagoo ku andacoonaya in isaga laga dhigay mid aan waxba galabsan sida  uu kusoo dqoray baraha bulshada.

Sancho ayaa lasheegay in uu diiday in uu raali galiyo Macalinkiisa, waxaana da,yarkii hore ee Manchester City laga saaray gabi ahaan sawirka kooxda koowaad.

23-sano jirkaan ayaa lagu wadaa inuu kooxda ka dhaqaaqo bisha Janaayo, iyadoo kooxo dhowr ah la sheegay inay si dhow ula socdaan xaaladiisa, laakiin Juventus ayaa la rumeysan yahay inay hogaamineyso safka hore.

Sida laga soo xigtay saxafiga Rudy Galetti, kooxda reer Talyaani ayaa dooneysa inay amaah kula soo wareegto Sancho suuqa jiilaalka, iyadoo kooxdu ay haatan muujineyso ‘xiisaha ugu badan’.

Qorshaha kooxda reer England ee suuqa Janaayo ayaa la rumeysan yahay inuu ku xiran yahay bixitaanka Sancho, kaasoo la sheegay inuu 250,000 oo ginni todobaadkii ku qaadan doono Old Trafford.

Man United ayaa la filayaa inay xiddiga reer England ku qiimeyso adduun dhan 50 milyan oo gini, waxaana sidoo kale lala xiriirinayaa inuu u dhaqaaqayo Saudi Arabia, laakiin ka tagista Yurub ayaa la sheegay inaysan qorshaha ugu jirin waqtigan.

Share.

Leave A Reply