Norway ayaa sheegtay in dhaawaca Erling Haaland uusan ahayn mid halis ah ka hor kulanka Man City ee Premier League ay la ciyaarayaan Liverpool 25ka November.

Weeraryahanka ayaa dhaawac ka soo gaaray kulankii ay la ciyaareen Jasiirada Faroe Islands khamiisti, Dhibaatooyinka dhaawaca ee Man City ayaa sii kordhaya ka hor kulanka weyn ee ay la ciyaari doonaan kooxda ay horyaalka ku xafiiltamaan.

Erling Haaland ayaa laga saaray xulka Norway ee wajihi doona Scotland kulanka Axada isreeb reebka Euro 2024 kadib dhaawac canqowga ah.

Haaland, oo rajeynaya inuu ka soo kabsado kulanka Premier League ee City ay la ciyaarayaan Liverpool sabtida November 25, ayaa dhibaato ka soo gaartay kulankii Faroe Islands khamiistii.

Share.

Leave A Reply