Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay diyaarineyso aduun lacageed ay ku dooneyso Antoine Griezmann, iyadoo kooxda ay ka go’an tahay inay lasoo saxiixato weeraryahanka Atletico Madrid iyo xulka France xagaaga soo aadan.

32 jirkan ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay Atletico intii lagu jiray xilli ciyaareedkaan 2023-24 isaga oo dhaliyay 12 gool halka uu hal caawin sameeyay 16 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.

Griezmann ayaa weli muhiim u ah France, waxaana lagu wadaa inuu noqdo ciyaaryahan muhiim u ah xulkiisa  oo dadaal ugu jira inuu guula  badan kasoo hooyo  xagaaga soo aadan Koobka Qaramada Yurub.

Qandaraaska uu haatan weeraryahanka kula jiro Atletico ayaa ku eg ilaa June 2026, laakiin sida laga soo xigtay El Nacional, waxaa jira 22 milyan ginni oo lagu burburin karo qandaraaskiisa.

Man United  ayaa isku diyaarineysa inay bixiso lacagta ay ku iibsaneyso xidiga, sidoo kale ay siin doonto qandaraas ku kacaya 350 kun ginni isbuucii si ay ugu qanciso inuu u dhaqaaqo Old Trafford.

Kooxda reer England ayaa la sheegay  inay wakiilo u dirtay Madrid si ay ugala xaajoodaan heshiiska, iyadoo tallaabadan ay suurtogal tahay inay dhacdo inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaaga soo socda.

Griezmann ayaa lagu soo waramayaa in la siin doono fursad lagu  saddex jibaarayo  mushaarkiisa si uu  ugu dhaqaaqo Old Trafford, laakiin wuxuu dhawaan sheegay inuu doonayo inuu ka ciyaaro horyaalka MLS ka hor dhamaadka xirfadiisa.

Share.

Leave A Reply