Ciidamada milatariga Isreal ayaa weerar dhinaca cirka ah ku qaaday guri uu leeyahay hoggaamiyaha ugu sareeya kooxda Xamaas ee Ismaaciil Haniyah guriga la duqeeyay ayaa ku yaalla magaalada Gaza.

War kasoo baxay milatariga Isreal ayey ku sheegeen in diyaarado dagaal u adeegsadeen duqeymo xalay lala beegsaday guriga Ismaaciil Haniyah oo ah madaxa xafiiska siyaasadda ee ururka Xamaas.

Milatariga Isreal warka ay soo saareen waxa ay sheegeen  in guriga hoggaamiye Ismaaciil Haniyah loo isticmaalayay qalabka argagixisada iyo “goob ay ku kulmaan madaxda sare ee ururka”.

Ciidamada Isreal ayaa duqeymo culus ku baabi’iyay magaalada Gaza ee dhulka Falastiin waxa ayna Isreal wali sii wadaan in ay dhulka la simaan daaraha dhaa dheer ee kuyaalla magaalada Gaza.

Share.

Leave A Reply