Dhacdooyin sababay dhimasho iyo dhaawac oo la xariirtya aanooyin qabiil kana dhacay qeybo kamid ah magaalada Gaalkacyo dhinaca Puntland ayaa la soo warinayaa in xal laga gaaray.

Shir ay goobjoog ka ahaayeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka dowlad goboleedka Puntland iyo odiyaasha dhaqanka beelaha xurgufta ay dhexmartay ayaa lagu kala saxiixday heshiis hordhac ah oo la xariirta waxyaabihii dhacay,

Odiyaasha labada beelood ee walaalaha ayaa isla gartay inay duug kala qaataan ayna nabad kuwada noolaadaan.

waxaana iminka loo madalsan yahay kulan weyne lagu dhameystiraayo heshiiska hordhaca ah ay wada gaareen beelahani.

Share.

Leave A Reply