Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga gudaha ahna Ku Simaha Wasiirka Mudane Maxamed Cali Xagaa ayaa galabta ku wareejiyay.Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ballanqaadka qorshe-howleedka sanadka cusub ee 2023 Ee Wasaaradda amniga.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in sugidda amniga gudaha ee dalka ay Xukuumadda #DanQaran siineyso ahmiyad gaar ah si looga xorreeyo guud ahaan goobaha kooban ee ay ku sugan yihiin AS.]

Ugu dambeyn Ra’iisul wasaaraha ayaa kula dardaarmay Wasiiru Dowlaha iyo masuuliyiinta kale ee wasaaradda inay xaqiijiyaan sidii looga gun gaari lahaa qorshooyinka howleedka Wasaaraddu soo bandhigtay maanta si shacabka Soomaaliyeed ay sanadka cusub ee 2023 u helaan amni sugan iyo kala dambeyn.

Share.

Leave A Reply