Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Soomaaliya mudane Ahmed Moallim Fiqi.Wasaaradda Cadaaladda iyo Dastuurka Somaliya, Wasiirrada Arrimaha Gudaha ee dowlad goboleedyada Soomaaliya, iyo hay’adda diiwaangelinta iyo aqoonsiga dadweynaha ayaa booqasho todobaad ah waxaa ay uga bilaabatay Jamhuuriyadda Islaamiga ee Pakistaan.

Inta ay joogaan Wafuudaasi dalka Pakistan waxay geli doonaan kulammo iyo doodo la xiriira arrimaha federaalka, dastuurka, maamul daadejinta, dowlad dhiska iyo diiwaangelinta dadweynaha.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Ahmed Moallim Fiqi, iyo mas’uuliyiinta la socotay ayaa durba waxay maanta kulan gaar ah la yeesheen hay’adda diiwaan gelinta Pakistaan ee NADRA, taas oo dowladda Soomaaliya ka gacan siin doonta aqoonsiga qaranka iyo diiwaangelinta dadweynaha.

kulanka kadib Dhaariq Maalin oo ah madaxa hay’adda NADRA ayaa yiri’“Qof Banii’aadamka waxaa uu xaq u leeyahay inuu helo aqoonsi sharci ah, waayo ma dhici karto qofka inuu helo adeegyo sida amniga iyo cadaaladda haddii aaney dowladdu aqoonsanin”,
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta mudane Ahmed Moallim Fiqi oo khudbad ka jeediyay kulankaasi ayaa waxaa uu ugu horreyn ka hadlay xiriirka taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Pakistaan tan iyo 1960-kii, iyada oo labada dal ay ahaayeen xubnihii wax ka aasaasay ururka Iskaashiga Islaamka iyo sida dalkaasi qeyb u ahaa dadaalladii nabad ilaalinta xilligii dagaallada sokeeye.

Wasiirka Arrimaha Gudaha waxaa uu sheegay oo kale in dowladda Soomaaliya ay baahi degdeg ah u aragto nidaamka diwaangelinta dadkeeda, taasi oo wax badan ka tari doonta horumarinta dowlaha hoose iyo u adeeggidda shacabka, oo ay u dheer tahay qaabka lagu hirgelin karo cadaalad bulsho, amni iyo kala dambeyn.
Ugu dambeyntii, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta waxaa rajo weyn ka muujiyey in isaga iyo wafdigiisa inta ay joogaan Pakistaan ay wax ka baran doonaan 75 sano oo qaran dhis, nidaam federaal ah iyo arrimo kale oo ay ku jiraan ladagaalanka argigixisada.
Kulanka waxaa sidoo kale ku jiray hay’adaha UNDP Soomaaliya iyo UNDP Pakistaan, waxaana xusid mudan in muddada ay Wasiirka Arrimaha Gudaha mudane Ahmed Moallim Fiqi iyo Wafdigiisa ay dalkaasi joogaan la kulmi doonaan wasiirro iyo mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Pakistaan.
mudane Ahmed Moallim Fiqi wuxuu Safarkan ku sheegay inay wax badan uga faa’ideysan doonaan khibradda Pakistaan ee la xiriirta federalism-ka, nidaamyada dowladaha hoose iyo hannaanka diwaangelinta iyo aqoonsiga.

Share.

Leave A Reply