Warar ka imaanaya Magaalada Hargeysa Ee Caasimadda Maamulka Somaliland ayaa sheegaya in Xalay gudaha magaaladaasi lagu dilay wiil dhallinyaro ah,

Wiilka la dillay ayaa magaciisa lagu sheegay Amiin Siciid Sidiiq wuxuuna ahaa 22jir. waxaana Amiin dilay sida Booliiska magaalada Hargeysa ay xaqiijiyeen Nin ka soo jeeda Qowmiyadda Oromada kaas oo kamid ah dadka Itoobiyaanka ee kunool gudaha Magaalada Hargeysa.

Waxeyna kuwada sugnaayeen xilliga dilka uu dhacayay labada ruux gudaha hoteel Guuleed oo magaalada kuyaala.

Ciidamada Booliiska Somaliland ayaa dilka kadib gacanta ku soo dhigay ifsa Axmed Shariif kaas oo la sheegay inuu yahay ruuxa dilka geystay.

War qoraal ah Oo ka soo baxay Booliiska Somaliland ayaa Qaabka dilka uu u dhacay ku sheegay in ninkani Oromada ahi uu ku dilay wiilka Feer iyo Jilib.

Waa dilkii labaad Oo 24-saac gudahooda ka dhaca gudaha magaalada Hargeysa, waxaana habeen hore sidaan oo kale dil toorey loo adeegsaday uga dhacay gudaha hoteel kuyaalay gudaha Magaalada Hargeysa.

Share.

Leave A Reply