Labaatan qof Oo ahaa kalluumeysato u kala dhashay dalalka Iiraan iyo Pakistaan ayna gacanta ku dhigeen Kooxihii burcad-badeedka Soomaalida balse ay kala Wareegeen Kooxda Alshabaab ayaa maanta Xoriyadooda dib u helay.

Maxaabiistaan Ajaaniibta ah Ee gacanta Alshabaab galay ayaa u xernaa muddo sideed sano ah kooxdaasi,iyadoona maanta ay soo gaareen Magaalada Hobyo.

Haatan waxaa lagu hayaa saldhigga Magaalada Hobyo Ee Maamul goboleedka Galmudug halkaas oo lagu su’aalo weydiinayo.

Share.

Leave A Reply