Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa maanta Xarunta Degmada Kaaraan ka dhagax Dhigay Dayactir iyo dib-u-dhis balaaran lagu sameynayo xarunta Degmadaasi Ee Maamulkiisa qeybta ka ah.

Munaasabadda dhagax dhigga Mashruucaan lagu dayactirayo Xarunta degmada Kaaraan Ee Gobolka Banaadir Waxaa Guddoomiyaha ku Wehlinayay Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka G/Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh)

Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale Duqa Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dib-u-dhiska xarunta Degmada Kaaraan ee qeyb ka tahay Qorshaha Maamulka Gobolka Banaadir ee lagu balaarinayo xarumaha adeega dadweynaha.

Share.

Leave A Reply