Qoraal ka soo baxay guddoomiyaha golaha shacabka soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe ayaa ugu baaqay guud ahaan bulshada koonfur/galbeed shir dib u heshiisiineed kaas oo lagu xalinayo tabashooyinka jira.

Sheikh Aadan Madoobe ayaa ku sheegay qoraalka in shir wadatashi uu la yeeshay Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo xildhibaanada labada Aqal ee ka soo jeeda Koonfur Galbeed waxayna wada hadaladaas gogol xaar u noqon doonaan shirweynaha uu guddoomiyaha ku baaqayo.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in ujeedada shirka dib u heshiisiinta in ay tahay in la xaliyo dhammaan tabashooyin walbo oo ka dhax jira bulshada iyo siyaasiyiinta Koonfur Galbeed lana adkeeyo midnimada bulshada wada degga deegaanada maamulkaasi

Share.

Leave A Reply