Tallaabadan ayaa timid kadib markii Itoobiya ay koronto ka dhalisay biyo xireenka weyn ee ay ka waddo webiga Niil iyadoona si rasmi ah u shaacisay inay awood u leedahay inay koronto geyso dalalka deriska la ah.

Waaxda Korontada Itoobiya ee (EEP) ayaa sheegtay in khadka isku xira labada dal ee keynya iyo Itoobiya ay ku kacayso 500 milyan oo doolar uu awood u leeyahay inuu gudbiyo 2,000 megawatts, isla markaana uu soo saaro ilaa 100 milyan oo doolar sannadkii.

Safiirka Itoobiya ee Kenya Bacha Debele Jimcihii ayaa jimcihii ku soo qoray bartiisa Twitter-ka “Waa mashruuc muhim ah oo ku wajahan in wax laga bed-delo xiriirka diblomaasiyadeed ee Itoobiya iyo Kenya ee dhinacyada badan leh,”

Sidoo kale Hay’adda Shidaalka iyo Tamarta ee Kenya (EPRA) ayaa xaqiijisay inay Khamiistii bilowday inay koronto ka keensato dalka Itoobiya.

Itoobiya ayaa markii ugu horreysay biloowday inay koronto ka dhaliso biyo xireenka Grand Ethiopian Renaissance Dam ee ku yaal webiga Blue Nile bishii Agoosto, waxayna bishii Ogoosto ku dhawaaqday in marxaldda labaad ay bilaabeen inay soo saaraan koronto.

Mashruucan oo ku kacaya 4.2 bilyan oo dollar, ayaa ka careysiiyay dalalka Suudaan iyo Masar ee wabiga Niilka ay isku hayaan Itoobiya

Waxaana la filayaa in laga dhaliyo in ka badan 5,000 oo megawatts oo koronto ah, taas oo ka badan laban-laab midda wax soo saarka Itoobiya ee hadda.

Itoobiya ayaa horeba Korontada uga iibinaysa Suudaan iyo Jabuuti, waxayna heshiisyo is-afgarad ah la saxiixatay Koonfurta Suudaan, Tanzania iyo maamulka Somaliland, sida ay sheegtay waaxda korontada Itoobiya ee EEP.

Share.

Leave A Reply