Waxaa saacadihi ugu dambeeyay lagu dillay Dalka Koonfur/afrika muwaadiniin Soomaali Oo Qaxooti Ahaa

Xalay Saqdii dhexe waxaa lagu dilay dukaan uu shaqaale ka ahaa Oo kutaala tuulada Ndada Misinyati ee duleeedka magalada Durban ee gobolk KZN.

Wiilka Sawirkiisa idin Muuqda Kaas Oo lagu Magacaabayay Mohame dahir ahmed.

Sida ay inoo xaqiijiyeen ehelada Muwaadinka la dilay ayaa waxaa la sheegay in dukaanka uu shaqaalaha ka ahaa ay burcad hubeysan u gargaraceen abaara 1-dii habeenimo ee saqdii Dhexe ee xalay. iyagoona dabadeed rasaaseeyo taasi oo keentay geerida Muwaadinka Soomaaliyeed.

Lama sheegin wax dhac ah oo ay dukaanka u geysteen madaama aysan gudaha dukaanka galin.

Kooxda burcada ah ayaa la xaqiijiyay in isaga baxsadeen goobta inta aysan booliska soo gaarin walow ay booliska baaritaan wadaan.

Isla shalay gellinkii hore waxay kooxo burcad koonfur/afrikaan ah ku dilleen Abdi karem deegaanka Missionvale ee hoostagta magalada Port Elizabeth kaas Oo maanta oo Jimco ah lagu aasay qabuuraha muslimiinta Ee Malabar Ee Duleeedka Magalada Port Elizabeth

Sida uu Inoo xaqiijiyay Abdinasir adam mursal Gudomiye ku xigenka jaliyada somaliyeed Ee Koonfur/afrika.

Inta badan tuulooyinka iyo deeganad isku raranka ah oo ay soomaalida iyo ajaanibta kale ganacsiyada ku leeyihiin waxa ka dhaca weeraro ay geeystaan koox burcad ah oo isku xiran kuwa dilal iyo dhac joogta ah u geysto soomaalida iyo ajaanibta kale.

Share.

Leave A Reply