Sida Warbaahinta Maxalliga ah Uu u sheegay Ridwan Hussein oo ah la taliyaha amniga qaranka ee ra’iisal wasaaraha Itoobiya waxaa Toddobaadkaan dhexdiisa lagu wadaa inuu dib u bilawdo Wadahadalladii U dhaxeeyay Dowladda Itoobiya iyo TPLF.

Masuulkaan ka tirsan dawladda Ethiopia ayaa sheegay in ururka Midawga Afrika uu qorsheeynayo in wadahadallada u dhexeeya dawladda Itoobiya iyo kooxda Tigray-gu inay ka dhacaan Koonfur Afrika, bishan October 24-keeda, taasoo la doonayo in lagu soo afjaro colaadda wakhtiga dheer qaadatay ee ka socotay qeybo kamid ah dalkaasi.

Maalmihii la soo dhaafay waxaa jiray Diblomaasiyiint ku boorrinayay dawladda Itoobiya iyo ciidamada Tigrayga inay isla meeldhigaan xabbad joojin degdeg ah, iyada oo xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres uu Isniintii ka digay xaaladda ka jirta woqooyiga Ethiopia isaga oo ku tilmaamay “in xaaladdu ay faraha ka sii baxayso”.

Horraantii bishan waxaa guul daraystay wadahadallo nabadeed oo uu garwadeen ka yahay Midawga Afrika, kaas oo la filayey inay ka dhacaan dalka Koonfur Afrika, hase ahaatee labada dhinac ayaa ku heshiin waayay arrimo ay ka mid yihiin dhinaca saadka,

Dawladda federaalka Ee Itoobiya ayaa dhawaan Shaacisay inay gacanta ku dhigeen saddex Magaalo Oo istaraatiiji ah oo ku yaalla gobolka Tigray, sida magaalada Shire oo ay ku nool yihiin dadka ugu badan ee ku barakacay dagaalada ka socda gobolkaas.

Share.

Leave A Reply