Waxaa maanta Markabkii ugu horreeyay Ee xamuul sida uu ku soo xertay dekedda iskaashiga lagu dhisay Ee Garacad Gobolka Mudug dhanka Puntland.

Markabka ayaa lagu Magacaabaa AK Hamburg Kaas Oo u raran Shirkadda Barwaaqo una sida Shamiito.

Muuqaalo iyo Sawiro laga soo qaaday Xilliga uu ku soo xerenaayay Markabka Dekedda.Ayaa laga dheehanayaa sida Nabdoon Ee uu dekedda ugu soo xertay.

Markab xamuul ah oo sida badeecad ganacsi ayaa markii u horraysay maanta ku xirtay dekedda Garacad ee Gobolka Mudug.

Inkastoo dekedda ay hore ugu soo xirteen maraakiib qalab dhisme u siday haddana markabkan waa kii u horreeyay ee badeecad ganacsi wada.

Markabkan oo lagu magacaabo AK Hamburg ayaa si nabdoon ugu xirtay dekedda si uu u dejijo badeecadaha ganacsi.

Wejiga kowaad ee dekedda Garacad ayaa lagu wadaa in Maalinnimada berrito ah la daah-furo waxaana ka qayb-galaya wufuud kala duwan..

Share.

Leave A Reply