Waxaa Maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho Madaxa he’adda qaxootiga Aduunka ee marka magaceeda la soo gaabiyo Loo Yaqaano (UNHCR) Filippo Grandi.

Garoonka diyaaradaha Ee Magaalada Muqdisho Waxaa ku soo dhaweeyay Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi.

Inta Uu dalka Joogo Filippo Grandi waxaa lagu wadaa inuu kulamo kala duwan la yeesho Madaxda dowladda federaalka ah sida Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ra’isul wasaare Xamze Barre, wasiirka arrimaha gudaha Axmed Macallim Fiqi iyo hey’adaha kale ee daneeya arrimaha qaxootiga iyo barakacaasha.

Dowladda Soomaaliya ayaa waddo qorsheyaal lagu hormarinayo arrimaha qaxootiga iyo barakacayaasha iyada oo ballanqaadday meelmarinta sharciyo waxtar leh sida ansixinta xeerka qaxootiga December 31, 2022 iyo xeerka barakacayaasha Soomaaliya December 2023,

Qorshe howleedka lagu soo afjarayo dowlad la’aanta ee heshiiska dowlad la’aanta ee 1954 iyo 1961 ilaa December 31, 2023, hirgellinta qorshaha qaran ee xalka waara ee 2020-2024 iyo in la xoojiyo dadaaladda nabadda, xasillinta iyo dib u heshiisiinta.

Socodka madaxa UNHCR Grandi ee Soomaaliya ayaa imaanaya toddobaad kadib markii isaga iyo wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim ay ku kulmeen Switzerland, iyaga oo isla meeldhigay arrimo badan oo ku saabsan arrimaha qaxootiga iyo barakacayaasha.

Share.

Leave A Reply