Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa xalay Fiidkii ku toogtay Gudaha Degmada kaaraan Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya,

Dilka Oo ka dhacay agagaarka Kaawada Kabasiin Ee ka tirsan Waaxda Nageyle Ee degmada Kaaraan. ayaa la sheegayaa inay fuliyeen kooxo dhallinyaro ahaa Kuwaas Oo ku hubeysnaa bastoolado.

Afhayeenka Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliya Gaashaanle Sadiiq Aadan Cali Doodishe.Oo bartiisa facebook qoraal kooban Oo ku aadan dilkaan soo dhigay ayaa sheegay in raggii dilkaasi geystay gacanta lagu soo dhigay Wuxuuna yiri”

Shacabka ku dhaqan Degmada Kaaraan ee gobolka Banaadur ayaa gacanta ku dhigay labo nin oo ka tirsan Alshabaab kuwaasoo isku dayay inay baxsadaan ka dib markii ay dileen askari ka tirsan Ciidanka Amaanka.

“Labada dhagar qabe ayaa waxaa la wareegay Ciidanka Amaanka ayaga iyo hubkii ay wateen, waxaan la horgayn doonaa Maxkamad Awooda u leh, Ilaahay idiinkii” ayuu yiri Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliya Gaashaanle Sadiiq Aadan Cali Doodishe.

Horay loogama baran Bulshada ku dhaqan gobolka Banaadir inay gacanta ku soo dhigaan kahor Ciidamada amaanka ragga dilalka ka geysta Xaafadaha kala duwan Ee Magaalada Muqdisho.

Share.

Leave A Reply