Waxaa fiidnimadkii xalay Magaalada Muqdisho la soo gaarsiiyey 17 ruux oo kamid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii ka kala dhacay Magaalooyinka Jalaqsi iyo Buula-burte ee Gobalka Hiiraan.

Dhaawacyada waxaa garoonka Aadan Cadde ku soo dhaweeyey Agaasimaha Guud ee Hey’adda Maareenta musiibooyinka Qaranka Mudane Cabdirashiid Maxamuud Xasan.

Waxaana durba loo sii Gudbiyay Goobaha caafimaadka si xaaladooda caafimaad loola tacaalo.

Dadka ku nafwaayay qaraxii shalay ka dhacay magaalooyinka Buuloburde iyo jalalaqsi waxaa kamid ah duqii magaalada Jalalaqsi Aadan Maxamed Ciise, iyo Gudoomiyihii degmada Maxamed Nuur Cagajoof Dabbaashe oo xilkaasi laga qaaday dhowaan balse aan weli xilka-wareejin.

Guddoomiye ku xigeenka degmada Jalalaqsi ayaa sheegay in qaraxaasi Sidoo kale ay ku dhinteen ugu yaraan 15 qofood,

Share.

Leave A Reply