Muwaadin Mareykan ah ayaa lagu xiray Sacuudiga, waxaana lagu xukumay 16 sano oo xarig ah, kaddib qoraal uu ku dhaliilay boqortooyada sacuudiga Kaas oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka, isagoo ku sugan Mareykanka.

Sa’ad Ibrahim Almadi oo 72 jir ah oo ah maareeye mashruuc oo shaqada ka fadhiistay kuna nool Florida, ayaa la xiray bishii November ee la soo dhaafay isagoo booqanaya boqortooyada sacuudiga, waxaana la xukumay horaantii bishan.

Wiilkiisa Ibraahim ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Associated Press u xaqiijiyey xarig
Almadi waa muwaadin ka soo jeeda Sucuudiga balse heysta dhalashada Mareykanka, Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha Sacuudiga.

Ibrahim waxa uu sheegay in aabihiis loo xiray qoraalo todobadii sano ee la soo dhaafay uu ku baahiyey barta Twitterka kuwaasoo inta badan lagu dhaleeceeynayey siyaasadaha dawladda sacuudiga. Waxa uu sheegay in Aabihii aanu ahayn dhaqdhaqaaqe balse uu ahaa muwaadin gaar ah oo cabiraayey fikirkiisa intii uu ku sugnaa dalka Maraykanka.

Ku xigeenka Afhayeenka Wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka Vedant Patel oo wariyaasha kula hadlayay Washington, ayaa xaqiijiyay xarigga Almadi Talaadadii.
“Waxaan si joogto ah oo degdeg ah kor ugu qaadnay walaacayada ku saabsan kiiska heerarka sare ee dawladda Sucuudiga, labadaba iyada oo loo marayo xiriirada Riyadh iyo Washington sidoo kale waan sii wadi doonnaa dedaalka sii deynta muwaadinkan” ayuu yiri. “Waxaan arrintan kala hadalnay xubno ka tirsan dowladda Sacuudiga” ayuu intaas ku daray.

Waa kiiskii ugu dambeeyay ee isdaba jooga ah ee Sacuudiga uu u xukumay dad lagu helay qoraalo baraha bulshada lagu baahiyey oo lagu dhaliilayo dowladda.

Mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa xoojiyey howlgallada ka dhanka ah mucaaradka ka dib markii uu soo baxay dhaxal-sugaha Boqortooyada Mohammed bin Salman, kaasoo doonaya inuu furfuro oo uu wax ka beddelo boqortooyada.

Maxkamad ku taalla dalka Sacuudiga ayaa dhawaan 45 sano oo xarig ah ku xukuntay haweeney lagu eedeeyay inay dhaliishay qoyska boqortooyada iyadoo adeegsaneysa baraha bulshada.

Sidoo kale, Arday Sucuudiyaan ah oo ka qalin jabiyay jaamacadda Leeds ee dalka Ingiriiska ayaa lagu xukumay 34 sano kadib markii lagu helay inuu ku bartiisa Twitter-ka ereyo ka dhan boqortooyada arrinkaas oo si weyn uga carooday caalamka.

Share.

Leave A Reply