(RBN NEWS SOMALIA)Garoowe: 17 September 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada Ku Qaabilay Goleyaasha deegaanka ee saddexda degmo ee Eyl, Ufeyn iyo Qardho, oo ah Goleyaashii ugu horeeyay ee hal qof iyo hal cod lagu soo doortay Puntland.

Mudaneyaasha Goleyaasha deegaanka ee saddexda degmo ayaa la tusay oo booqday qeybaha kala duwan ee Madaxtooyada ka koobantahay oo uu ku jiro Xafiiska Madaxweynaha oo ay salaan ugu tageen, intaasi kadib waxaa uu Madaxweynuhu Kula hadlay Hoolka Shirarka Isagoo la wadaagay sida ay Dowladda uga go’antahay dhameystirka doorashada degmooyinka Puntland.

Munaasabadda waxaa Madaxweynaha ku weheliyay Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Cabdifataax Maxamed Cabdinuur, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Mudane Cabdiweli Mire Xirsi, Saraakiil Madaxtooyo iyo Agaasime Guud ee Wasaaradda arrimaha Gudaha iyo qaar ka mid ah howlwadeenada Wasaaradda.

RBN NEWS SOMALIA
Share.

Leave A Reply