Wasiiirka Kalluumeysiga iyo kheyraadka badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Ahmed Hassan Aden ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Per Erik oo u dhashay dalka Norway iyo Peter Sol oo u dhashay Maraykanka oo ah xeeldheereyaal caalami ah oo dhinaca kalluumeysiga iyo badaha ah kuwaas oo ka tala bixinaya sida lagu horumarin karo kalluumeysiga gudaha, ilaalinta badqabka noole-badeed ka, ilaalinta fayadhowrka kalluunka iyo horumarinta xeebaha.

Wasiir Ahmed ayaa uga mahadceliyey aqbalaadda casuumaadda uu u ufidiyey iyo in ay diyaar u yihiin in ay wasaaradda kala shaqeeyaan horumarinta arrimaha horutabinta u leh wasaaradda ee kalluumeysiga, ka faa’ideysiga kheyraadka badda iyo sida ugu haboon ee wasaaradda ay uga faa’ideysan karto fursadaha ay haysato.

Xeeldheereyaasha oo ay wehliyaan mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda ayaa kormeer ku tagay xarunta dhexe ee wasaaradda oo ku taalla degmada Cabdicasiis, xarunta dad dhigista, iyo kawaanka malayga ee degmada Cabdicasiis.

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo kheyraad ka badda ayaa mudnaan siinaya sidii loo horumarin lahaa kalluumeysiga gudaha kaas oo qeyb mug leh ka qaadan kara kor u qaadidda wax soosaar dalka iyo horumarinta dhaqaalaha kuwaas oo kamid ah qorsheyaasha mudnaanta u leh xukuumadda dan qaran.

RBN NEWS SOMALIA
Share.

Leave A Reply