Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshisiinta Mudane ilyaas Ali Hassan ayaa Maanta daah furay Kulan wadatshi ah oo la xiriira xeerka Machadka Qaran Ee Dowladaha Hoose.

kulanka waxaa goob joog ahaa Wasaaradaha Arrimaha Gudaha ee Dowlad Goboleedyada, Gobolka Banaadir Wasaaradaha Heer Federaal oo ay shaqadeedu la xiriirto machadka dowladaha Hoose iyo Hay’addaha Qaramada Midoobe ee taageera Mashruuca ( JPLG)

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha gudaha Mud.Saciid Abdullahi Calasow oo ka hadlay kulanka wadatashiga ah ayaa sheegay in xeerkan lagu dhaqayo machadka u baahanyahay in laga galo wadatashi iyo in wax badan lagu biiriyo isaga oo intaa raaciyey in wadatshiyada ay sii socon doonaan.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshisiinta ilyaas Ali Hassan ayaa sheegay sheegay sida ay muhiim u tahay in si dadka la maamulaya ay u gaaraan adeegyo kala duwan, loona hanto kalsoonidooda ay lagama maarmaan u tahay in la helo dad leh tayada iyo aqoonta ay ku fulin lahayeeen howlaha loo igmaday iyo in sidoo kale la helo meel lagu diyaariyo dadkaas oo ah machadka dowladaha hoose ee wasaaradda Arrimaha gudaha oo ah machad waxtar u leh dowlad dhiska, awoodsiinta dadka iyo baahinta maamulka.

“Waxaana naga go’an in la dardar galiyo sidii lagu dhamaystir lahaa machadka dowladaha hoose iyo aqoonta dadka uu kuso kordhinaya” ayuu intaas ku daray wasiir Ilyaas.

Dhankiisa, Agaasimaha Wasaaradda arrimaha gudaha ee Galmudug Cumar Guure oo goobta ka hadlay ayaa xusay in xeerkii lagu maamuli lahaa machadka qaranka uu muhiim u yahay dhammaan dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir.

RBN NEWS SOMALIA
Share.

Leave A Reply