Waxaa Magaalada Jeddah ee waddanka Sacuudi Carabia gaara oo siweyn loogu soo dhaweeyay wafdi uu hoggaaminayay Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Barre Maxamed.

Wafdiga ayaa waxaa ay magaalada Jeddah uga qeyb geli doonaan shirka Wasiirrada dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee wadamada Islaamka, kaas oo looga hadlayo marxaladda garoomada Ciyaaraha Soomaaliya guud ahaan iyo dhibaatada ay Al-Shabaab ku hayaan Shacabka

Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Barre Maxamed ayaa shirka ka jeedin doona khudbad uu kaga hadlao xaaladda dhalinyarada Soomaaliyed, isaga oo codsan doona in lala yimaado fikir midaysan oo dunida islaamku ku wajahayo waxa loogu yeero  argagixisada maadaama Soomaaliya ay tahay dalka Koowaad ay dhibaatada ku hayaan.

Sidoo kale Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Barre Maxamed ayaa waxaa uu kulamo doceedo kala duwan la qaadan doonaa Wasiirada ka qeb geli doona shirka, isaga oo kala hadlayo sidii loo horumarin lahaa Ciyaaraha Soomaaliya

Share.

Leave A Reply