Madaxweynaha Jamhuuriyadda Serbia Mudane Aleksandar Vučić ayaa Warqadaha Aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsanaan doona Dalka Serbia Mudane Maxamed Cabdullahi Axmed.

Dalalka Soomaaliya iyo Serbia waxaa ka dhexeeya Xiriir qoto dheer oo ku saabsan Iskaashiga labada dal, waxaana Danjire Maxamed Cabdullaahi uu La wadaagay Madaxweynaha Serbia Dhambaal Salaan ah oo uu ka waday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Xiriirka somalia iyo Serbia ayaa soo bilowday 62-sanno ka hor, waxaana Madaxweynaha Serbia Mudane Aleksandar Vučić uu sheegay in labada dal ay leeyihiin Taariikh iyo xiriir dheer.

Dhinaca Kale Arintan Ayaa imanaysa Xili Dawladii Hore Ee Somalia Ay Horay Ushacisay Inay Solabatay Wadashaqaynta Labada Dawladood Ee Somalia Iyo Serbia.

RBN NEWS SOMALIA
Share.

Leave A Reply