Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Bani-aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha, Md. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo wafdi uu hoggaaminyo ayaa goordhaw gaaray degmada Doolow ee Gobolka Gedo

Ergayga ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha ee Doolow ku soodhaweeyay xubna katirsan maamulka degmad.waxana inta uu joogo halkaasi kormeer ku tagi doonaa xerooyinka ay ku jiraan qoysaska barakacayaasha ah,isagoona sidokale warbixino ka dhageeysan doon maamulka degmada taa oo la xiriirto xaalada abaaraha ka jira Gobolka Gedo

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Bani-aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha, Md. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa horay u booqaday degmada Buulo Burde ee Goblkaa Hiiraan halkaa oo uu kula kulamay maamulka degmada iyo sidokale dadka barakacayasha ah eek u jira kaamamka degmadaasi.

Share.

Leave A Reply