Guddiga Maamulka  doorashooyinka Heer dowlad Goboleed ee HirSabeelle ayaa shaaciyay jadwalka doorashada 11 kursi ee ugu Dambeeysa kuraasta deegaan doorashadoodu tahay Magaalada Beledweyne.

Qoraal kasoo baxay Guddiga waxaa lagu sheegay in 5-ta ilaa lixda Bishaan ay soo gudbin doonaan Ergada, lana hubin doono kadibna la diiwaangelin doono Ergada si loo tababaro.

Sidoo kale Guddiga waxaa u sheegeen in 7-Bishaan la diiwaangelin doono musharrixiinta ku tartami doonta 11 Kursi halka 8-da ilaa 9-ka Bisha ay qaban doonaan doorashada kuraasta 11-kursi.

RBN NEWS SOMALIA
Share.

Leave A Reply