Dagaalyahano ka tirsan kooxda Alshabaab ayaa galabta saladdii Casar kadib weerar xooggan ku qaaday fariisimo ciidan oo ciidanka dadka deegaanka iyo kuwa xoogga dalka ay ku lahaayeen duleedka magaalada baladweyne,

Dagaalka ayaa ka dhacay deegaanka Beerxaani oo 30km u jira magaalada Beledweyne, xarunta gobolka hiiraan.

Ciidanka shabaabka ee soo weeraray deegaankaan ayaa la sheegayaa inay ka soo talaabeen jiinka wabiga dhinaca galbeed xigga halkaas oo ay ku xooggan yihiin kooxdu.

Dagaalka oo hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeegsaday ayaa ilaa hadda aan la ogeyn khasaaraha rasmiga uu geystay inkastoo khasaaraha ugu badan uu kala gaaray dhinacyada dagaalamay.

Xabado goosgoos ah ayaa iminka la sheegayaa in laga maqlayo deegaanka iyadoona saraakiil ciidan oo ka tirsan kuwa dadka deegaanka ay u xaqiiyeen warbaahinta RBN inay jabiyeen shabaabkii weerarka soo qaaday.

Maalmihii u dambeeyay dagaalyahanada Alshabaab ayaa laba jibaaray weerarada ay ka soo qaadayeen dhinaca deegaanada dhaca galbeedka ee xiga wabiga iyadoona ay ugu wacan tahay inay halkaasi klu xooggan yihiin. maadaama inta badan laga saaray deegaanada dhaca bariga gobolka.

Share.

Leave A Reply