Kullan Ay u dhammaan Mas’uuliyiinta gobolka Banaadir sida guddoomiyaha gobolka banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) guddoomiye kuxigeenka Amniga iyo siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Ahmed Diiriye (Yabooh) Taliyaha qeybta guud ee Booliska Gaadhaanle Sare Mahdi Cumar Muumin iyo Taliyaha Nabadsugida Gobolka Banaadir Gaashaanle Sare Muxiyadiin Warbac Shadoor. ayaa maanta ka dhacay xarunta degmada Howlwadaag.Ee gobolka Banaadir.

Kullanka ayaa diiradda lagu saaray u diyaar garowga Qorshe Howleedka sanadka cusub ee 2023 iyo Qorshaha Wada-shaqeynta Laamaha Amniga iyo Maamulada Degmooyinkaasi.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Sheikh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa faray Maamulada Degmooyinka iyo saraakiisha Laamaha Amniga ee Degmooyinka xiga qeybta Waliyow Cadde in ay dardargaliyaan Horumarinta Degmooyinka, wax ka qabashada kiisaska Amniga iyo in iskaashi buuxda laga wada yeesho dagaalka ka dhanka ah kooxaha Alshabaab.

Share.

Leave A Reply