Maalinnimadii Shalay oo aheyd bilawga toddobaadka Sabti waxaa laga qaaay dalka Uganda dhammaan Xannibaadii saarneyd ee la xariirtay xanuunka Ebola.

Yoweri Museveni Madaxweynaha Uganda ayaa qaaday dhammaan xannibaadaha la xiriira xanuunka Ebola, isagoo sheegay in dalka ku yaalla Bariga Afrika uu horumar ka sameeyay xakameynta cudurkaa dilaaga ah,

Wuxuuna meesha ka saaray Mr Museveni xayiraaddii lagu soo rogay halkii xuddunta u ahey cudurka ee degmada Mubende, halkaas oo laga diiwaan geliyay 66xaaladood iyo 29dhimasho ah halka gobolka Kassanda isna laga helay 49xaaladood iyo 21dhimasho ah.

Madaxweyne Museveni oo ka hadlay xayiraadda uu ka qaaday dalkiisa ayaa yiri””Hadda, ma jiro wax la kala qaado, ma jiro xiriir la socda, ma jiro bukaan ku jira xarumaha karantiilka,”

xukuumadda Kampala ayaa Bishii Oktoobar, soo rogtay xannibaadyo dhanka safarka ah iyo bandow habeenkii ah, iyadoona sidoo kale xirtay goobaha cibaadada iyo madadaalada.

balse horaantii bishaan ayey sheegtay dowladda Uganda inay ka soo saartay xarumaha caafimaadka bukaankii ugu dambeeyay ee Ebola ku dhaca,

Share.

Leave A Reply