Mudane Xamse Cabdi Barre Ra’iisul Wasaaraha XFS kk oo hadal ka jeedinayay munaasabad lagu soo xirayay Maalinta Caalamiga ah ee la dagaalanka Musuqmaasuqa ayaa sheegay in Musuqmaasuqa uu yahay cudur xun oo ku dhaca dowladnimada.

Wuxuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa “Musuqmaasuqa waa mid kamid ah cudurada ugu xun ee ku dhaca dowladnimada, musuqa wuxuu caqabad ku yahay hormar walba ee la sameyn lahaa, wuxuu caqabad ku yahay in laga faa’ideysan waayo kheyraadkii ay bulshada lahayd, bulshada ayuu kala fogeeyaa oo ku kala noolaada laba heer oo kala dheer”

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamase Cabdi Barre ayaa ballan qaaday inuu dardargelin doonto Xukuumaddiisa dhisidda hay’adaha iyo shuruucda ladagaalnka Musuqmaasuqa.

Share.

Leave A Reply