Sida wararka aynu ku heleyno askari ka tirsan ciidamada booliiska ayaa galabta ku dilay agagaarka Isbitaalka Weyn ee magaalada Beledweyne Haweeney si weyn looga yaqiinay magaaladaasi,

Maryan Afraxoow Guure Waa haweeneyda lagu dilay galabta gudaha magaalada Beledweyne lamana oga sababta ka dambeysa dilka uu askariga u geystay inkastoo wararka qaar ay sheegayaan goobta oo mashquul aheyd inuu askariga rasaas ku furanayay.

Qeybaha Bulshada ee magaalada ayaa si aad ah kaga naxay geerida Maryan Afraxow Guure iyadoona si aad ah looga hadal hayo gudaha magaalada Beledweyne xarunta gobolka Hiiraan.

Ciidamada amaanka magaalada Beledweyne ayaa gacanta ku soo dhigay askariga ka dambeeyay dilka maryama waxa uuna haatan ku xeran yahay saldhigga magaalada Beledweyne,

Share.

Leave A Reply